Taliska Milateriga Soomaaliya Oo Ay La Wanaagsan Tahay Ka Mid Noqoshada Itoobiya Ee Amisom * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliska Milateriga Soomaaliya Oo Ay La Wanaagsan Tahay Ka Mid Noqoshada Itoobiya Ee Amisom

Muqdisho – Mareeg.com: Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo ah abaanduulaha ciidaada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay iney iyaga la wanaagsan tahay in ciidamada Itoobiya ku biiraan howlgalka AMISOM, iyadoo arrintaas halay si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa in ka mid noqoashada ciidamada Itoobiya ee howl galka AMISOM ay xoojineyso sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolada dalka ee ay haatan gacanta ku hayaan.

Wuxuu sheegay Jen. C/risaaq Khaliif in ciidamada Itoobiya ay ka howl geli doonaan qeybta 3-aad ee howl galka AMISOM ee Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo, iyo sidoo kale qeybta 4-aad ee Hiiraan iyo Galgaduud.

Xaflad lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa shalay looga dhawaaqay in ciidamada Itoobiya ka mid noqdeen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!