Taliska Milateriga Soomaaliya iyo Saraakiil Turki ah oo kala saxiixday heshiis (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliska Milateriga Soomaaliya iyo Saraakiil Turki ah oo kala saxiixday heshiis (Sawirro)

Muqdisho – Mareeg.com: Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis milateri la saxiixday saraakiil ka socotay wasaaradda gaashaandhiga dalka Turkiga, kuwaasoo dhawaan soo gaaray Muqdisho.

Heshiiska labada dhinac ayaa ku saabasan dib-u-dhiska xerooyinka iyo tababarka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu guda jiro dib u dhiskooda.

Heshiiskaan milateri ayaa la saxiixay kadib markii maanta ay Muqdisho kulan ku yeesheen taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aaden Cilmi Indhaqarshe oo uu wehliyo Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Khaliif Cilmi iyo Saraakiil sare oo ka socotay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Turkiga.

Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah in la dhiso xerooyin casri ah oo lagu tababaro ciidamada iyo in Macalimiin Soomaali iyo Turkish ah ay tababar gudaha dalka kusiiyaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aaden Cilmi ayaa sheegay in heshiiskaani uu wax badan oo isbedel ah kusoo kordhin doono tayada iyo awoodda ay leeyihiin ciidamada xoogga dalka, isagoo uga mahadceliyay Dowladaha Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub dedaallada ay ku bixinayaan dib u dhiska iyo tababarrada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Xuseen Xamdi Arguu oo ah madaxa ugu sareeya qeybta tababarrada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa tibaaxay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaaban doonaan dib u dhiska xerooyinka tababarrada, ayna dowladda Soomaaliya kala tashanayaan goobaha ugu habboon ee laga hirgelinayo xerooyinkaasi.

Heshiiskaan ayaa daba socda Heshiiskii ay horay u kala saxiixdeen Wasaaradaha difaaca dalalka Turkiga iyo Soomaaliya kaasoo ay meelmariyeen Baarlamanka Soomaaliya, waxaana haatan dalka Turkiga tababar u jooga 40-Sarkaal oo ka kala socda Ciidamada Cirka, Dhulka iyo badda kuwaasoo loo diyaarinayo inay tababaradii ay soo qaateen uga faa’iideeyaan askarta kale ee ka tirsan Ciidanka.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!