Taliska CXD oo balan u sameeyay Ciidamo loo diyaarinayo la-dagaalanka Al-shabaab

Read Time:50 Second

Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Jen. Maxamed Cadoow Cali Sanka oo kormeer shaqo kumaraya fariisimaha Ciidamada ayaa saaka kormeer Ku gaaray Dugsiga Har-qaboobe ee Guriceel oo ka mid ah Xeryaha Tababarka Qaybta 21-aad  oo ay ku jiraan ciidamo in mudo ahba uu usocdey tababar sare oo lagu barayay xeeladaha dagaalka si loogu diyaar garoobo howlgalada lagu xoraynayo deegaanada Alshabaab ay ka joogaan Galmudug .

Saraakiisha Dugsiga Har-qaboobe ayaa warbixin ka siiyay Taliye Maxamed Sanka xaalada Ciidamada xeradan kujira, iyagoo tilmaamey in lagu guuleestay kasoo gudbida marxalado adag oo Ciidamadan lagu diyaarinayay .

Taliyaha qaybta 21-aad Gen. Sanka ayaa Ciidamada Dugsigan kujira iyo Saraakiishooda ku boggaadiyay dhabar adeega ay muujiyeen xiliga dheer ee tababarku socdey, maadaama ay u diyaar garoobayan howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Jen. Maxamed Cadoow Cali Sanka ayaa Saraakiisha iyo Ciidanka xoogga dalka ee tababarka u socda u balan qaadey in loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto Aqoontooda Ciidan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.