Taliska Ciidanka Xoogga oo War kasoo saaray weerarkii Al-shabaab ee Bariire

Read Time:57 Second

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay weerar xoogan oo aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Bariire iyo degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliye Odawaa oo la hadlay Telefashinka Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen inay weerar gaadmo kusoo qaadan Saldhigyada Ciidamada dowladda ee Bariire iyo Awdheegle, hayeeshee la fashiliyay.

Waxaa uu sheegay Taliye Odawaa Yuusuf in dagaal dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka in Ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan deegaanka Bariire iyo Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayna xaaladda tahay mid degan, in kastoo uusan tirro khasaaro shaacin.

Dhinaca kale Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa uu tilmaamay in dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab uu haatan ka socdo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka.

Al-shabaab  warar barahooda qadka ay ku qoreen ayaa waxaa a ku sheegeen in saakay weerar ku bilowday Qaraxyo ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ee Awdheegle iyo Bariire, ayna la wareegeen gacan ku heynta Saldhigyada.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.