Taliska Ciidanka Xoogga oo iclaamiyay guluf ka dhan ah Al-shabaab oo ka… * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliska Ciidanka Xoogga oo iclaamiyay guluf ka dhan ah Al-shabaab oo ka…

Abaanduullaha Guutada 10aad Col. Cismaan Sheikh Cabdi Qorax ayaa kormeeray Saldhiga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, isagoo u kuurgalayay xaaladda amni ee degmada iyo shaqada muhiimka ah ee ay Bulshada Ciidanka Bulshada u hayaan.

Gaashaanle Cabdi Sheikh Xasan Cilmi oo ugu horeyn ka hadlay soo dhoweynta Abaandullaha Guutada 10-aad Cismaan Sheikh Cabdi Qorax ayaa sheegay in ay ciidanka mar kasta heegan ugu jiraan badbaadinta shacabka naftooda iyo maalkooda,islamarkaana si weyn uga shaqeynayaan amniga gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Abaanduule Qorax ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay dardar geliyaan sugida amniga iyo in la iska kaashado sidii loo ciribtiri lahaa cadowga Shacabka dhibaatada ku haya.

Xaaladda amni ee degmada Baardheere ayaa ah mid wanaagsan, waxaana ka howlgala ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuw nabad sugida iyo ciidanka Xoogga dalka oo dagaal adag kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.