Taliska Boolsika oo ka hadlay Weerar ka dhacay Muqdisho

Read Time:43 Second

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax ka dhacay degmada Xamar weyne Caawa, islamarkaana jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sakiyo Xuseen ayaa sheegtay in Qaraxa loo adeegsaday gaari Noah, islamarkaana la dhigay  dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka degmada X/Weyne.

Waxaa ay sheegtay in aysan jirin Cid ay waxyeelo kasoo gaartay, islamarkaana la qabtay labo ruux oo lagu tuhmaayo in ay gaariga dhigeen goobta.

“Abbaro 7dii habeenimo ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah ku qarxay meel barxad ah oo la dhigay kuna taal dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka degmada X/Weyne” ayay tiri Sakiyo.

“Sidaanu xaqiijinay wax qasaaro naafeed ama dhaawac ma jiraan. Waxaa isla goobta lagu qabtay 2 qof lagu tuhmaaya in falka lug ku leeyihiin iyo ninkii baabuurka qaraxa watay. Wixii soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa” ayay hadalkeeda kusii dartay.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.