Muqdisho, Mareeg.com: Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jen. C/xakiim Daahir Saacid ayaa sheegay in la kordhinayo ciidamada booliska gobolka Hiiran kadib markii dhawaan Alshabaab qarax iyo weerar ka geysteen saldhigaas.
Jen. Saacid oo warbaahinta iyo ciidamada boolsika kula haday saldhiga booliska gobolka Hiiraan ka hor inuusan Muqdisho usoo ambabixin ayaa sheegay in uu soo kormeeray saldhigga Booliska Beledweyn, islamarkaana uu u kuurgalay nidaamka ay ku shaqeeyaan Booliska.
Wuxuu sheegay Jen. Saacid iney wadaan qorshayaal ku aadan sidii loo balaarin lahaa tayada iyo qalabeynta ciidamada booliiska ee ka howlgelaya magaalada Beledweyn.
Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in la horumarin doono ciidamada Booliiska ee ka howlgala gobolka Hiiraan, isla markaana saldhigyo booliis oo hor leh laga furi doono Afarta xaafadood oo ay ka koobantahay magaalada Beledweyn si loo xaqiijiyo ammaanka gobolkaasi.
‘’Ciidamo dheeraad ah ayaan kusoo kordhineynaa ciidamada booliiska ee ku sugan Beledweyne, sidoo kale waxaan kordhinayna qalabka ay ku howlgalayaan’’ ayuu yiri Jen. Saacid.
Jen. Saacid ayaa ka mid ahaa wafdi uu hogaminayey wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed oo xukuumaddu u dirtay Bledweyne, kadib markii Alshabaab weerareen saldhiga booliska Baledweyne.
Mareeg.com