Taliska Booliska oo gacanta ku soo dhigay eedeysanayaal loo heysto dhibaateyda gabar da’yar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliska Booliska oo gacanta ku soo dhigay eedeysanayaal loo heysto dhibaateyda gabar da’yar

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen dhamaan eedeysanayaasha la rumeysanyahay in ay dhibaateeyeen ubax ibraahim Cabdullaahi.

Ubax Ibraahim Cabdullaahi oo 15 sano jir ah waxay la dhultaallaa dhibaatooyin loogu geystay Gobolka Gedo, kuwaas oo isugu jira jirdil, gubis iyo in labada gacmood looga xiray sil sillad sida ay Warbaahinta u sheegeen dhaqaatiirta gacanta ku haysa kiiskeeda ee Isbitaalka Madiina ka howlgala.

Warka kasoo baxay booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Eedeysaneyaasha  dhawaan ay la wadaagi doonaan dadka Soomaliyeed faahfaahin la xariirta sida wax u dhaceen.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa shalay sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dembeeyey dhibaateynta Ubax Ibraahim Cabdullaahi.

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.