Taliska Booliska Jowhar oo ka hadlay amaanka Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh.Dhexe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

  Taliska Booliska Jowhar oo ka hadlay amaanka Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh.Dhexe

Jowhar (Mareeg)—Labo Xidigle, Geelle Isaaq Warsame, Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliska Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu faah faahin ka bixiyay ammaanka Degmada Jowhar.

Geelle Isaaq Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in amaanka Magaalada Jowhar uu yahay mid wanaagsan islamarkaana la isku haleen karo sida uu hadalka u yiri.

Isagoo sii hadalaya ayaa waxuu xusay in Ciidamo badan la soo dhoobay koontaroolada laga soo galo Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh.Dhexe waxaana Ciidamadaasi lagu sheegay kuwa ka qeyb qaadanaya sugida amaanak Magaaladaasi.

Shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa ah kuwa la shaqeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Sh.Dhexe gaar ahaan Magaalada Jowhar.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxey howlgallo kala duwan ka wadeen qeybo ka mid ah Magaalada Jowhar iyadoona howlgalladaasi looga goollahaa sugida amaanka Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!