Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Dalka Romania. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Dalka Romania.

Ciidamada Ilaalada Xuduudka dalka Romania Ayaa Xiray 60 Ruux Oo Tahriibayaal Ah Oo Ay Ku jiraan Tahriibayaal Soomaali Ah Kuwaasi Oo Doonayey In Xadka Romania Ay Kaga Sii gudbaan Wadamada Qaarada Yurub Sida ay Sheegeen Saraakiisha Ciidamada Ilaalada Xuduudka Dalka Romania.

Saraakiisha Ciidamada Ilaalada Xuduudka Dalka Romania Waxa Ay Sheegeen in ay Joojiyeen Dadka Tahriibayaasha ah Xilli ay Ku jireen Safar ay Ku Marayeen Xadka Dalkaasi, Waxaana Ay Doonayeen in ay ka Gudbaan Xadka Dhinaca Koonfur Galbeed Uu Romania Kala Wadaago Dalka Serbia.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Dalka Romania Roxana Costache Ayaa U Sheegay Wakaalada Wararka Ee Dalkiisa In Tahriibayaasha la Xiray ay Ka Yimaadeen Wadamada Soomaaliya, Pakistan, Ciraaq, Afghanistan Iyo Moroco, Waxaana Uu Sheegay Afahayeenka In Tahriibayaasha Ay Hadda Ku Socdaan Baaritaano.

Tahriibayaasha Lagu Qabtay Xadka Dalka Serbia Ayaa Da’dooda waxa ay U dhexeysaa 20 Ilaa 40 Sanno, Waxaana Ragga Ku jiraa dadka Tahriibayaasha la qabtay Loo Kaxeeyey Saldhiga Booliska Romania ay Ku leeyihiin Deegaanka Jimbolia Kaasi Oo Ku yaala Xuduudka U dhexeysa Romania Iyo Serbia.

Sanadkii Lasoo Dhaafay Ayaa Tahriibayaashii Ugu Badnaa oo ka yimid Afrika, Asia waxa Ay Galeen Qaarada Yurub, Kuwaasi oo ka Gudbay Xadka U Dhexeeya Romania Iyo Serbia.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!