Tahriibayaal Lagu Noqay Muqdisho

Read Time:40 Second

Muqdisho (Mareeg News) Magaalada Muqdisho  waxaa laga soo dajiyay maxaabiis laga keenay dalka Libya, kuwaasi oo ay soo daysay dowladda Federalka Soomaaliya.

Maxaabiistaan ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa illaa 13 dhalinyaro ah oo doortay in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo, iyadoo tiro kale oo dhalinyaro ah iska diideen in dalkooda lagu soo celiyo.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dhalinyaradan waxa ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa waxaa laga soo daayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalka libya, inkastoo ay jiraan dhalinyaro kale oo fara badan, kuwaasi oo xabsiyada wali ku jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii dhalinyaradaasi xabsiyada ku xiran dalkooda Hooyo loogu soo celin lahaa, inta doonaysa in dalka dib loogu soo celiyo.

Waa qeybntii Saddexaad ee laga soo daayo dalka Liibiya.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %