Tabeele Wadooyinka Muqdisho lagu dhajiyay oo la dhaliilay (Daawo Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Tabeele Wadooyinka Muqdisho lagu dhajiyay oo la dhaliilay (Daawo Sawirro)

Dad badan oo kunool magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan u arkay tabeelayaal lagu xayeesiinayo sidii jaadka looga joojin lahaa magaalada Muqdisho, waxaana tabeelayaashan ku sawiran nin jaad ruugaya.

Dadka qaarkood ayaa si weyn u dhaliilay sawirka boorka xayeesiinta loo adeegsaday oo lagu tilmaamay mid u muuqda in lagu xayeesiinayo cunista jaadka marka laga reebo qoraalka la socda sawirka.

Marka hore aad baan u Taageeersanahay Ololaha Abuukar Cawaale Qaadiid la Dagaalanka Qaadka Hase yeeshee Saakey mar aan marayey Agaagaarka KM4 waxaan ku arkey Tabeelo aad weyn oo uu ku sawiran yahay Ruux aan aqaano oo qaad Ruugaya oo uu Ujeedka uu yahay in Bulshada la Tusiyo Dhibaatada Qaadka.

Qalinkeyga mar waliba waxaan ugu adeegaa bulshada Soomaaliyeed mana Jecleysan in aan soo Bandhigo Sawirkaan, hadana waan ka Fursan waayey in aan u soo bandhigo Bulshada Soomaaliyeed Hase yeeshee Rayi ahaan aniga waxaan u qaatey Tabeelahaas Ninkaas ku sawiran yahay mid lagu Xayeysiinayo Qaadka oo kama Muuqato qaabka la dagaalanka Qaadka, marka laga reebo eryayada ku qoran Tabeelaha oo ah kuwo aad u Wanaagsan, marka Abuukar waxay ahayd in uu isticmaalo Sawirada Arts-ka Farshaxanka oo uu ku Sawiro lacag Doolar oo dalka ka baxeyso iyo Qashinkii Qaadka oo Dalka la soo gelinayo

Sidoo kale waxay ahayd in uu sawiro Sawir kale oo Arts ah Hooyo iyo caruurteeda oo aan Dabkii Shidan iyo Aabihii oo isaga marqaamaya Dhaqaalihii Reerka islamarkaana Gabey Masuuliyadii Reerkiisa oo ah Ruux aduun iyo aakhiro aan ogeyn, marka sawirka Tabeelaha oo aan ogahay in aan si wanaagsan looga Baaraadegin waa xadgudub marka la Fiiriyo soo Bandhigistiisa waayo Qofkaan waa iska dhaafi karaa Qaadka oo Nolosha ayuu ku soo laaban karaa, marka waxay ku Noqoneysaa Mustaqbalka isaga iyo Caruurtiisa uur ku taalo iyo Mahadho sidaa darteed Abuukar Qaadiid waxaan si Xushmad leh uga Codsanyaa in Dib ugu laabto Tabeelahaas .

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!