Tababare billad sharaf ka diiday Madaxweyne Donald Trump iyo sababta

Read Time:39 Second

Tababare sare oo ka tirsan Kooxda kubadda Cagta Qaranka ee Mareykanka (NFL), Bill Belichick ayaa sheegay inuusan aqbali doonin Biladda Xorriyadda ee ay madaxdu bixiyaan, taas oo uu u soo bandhigay Donald Trump, isagoo sababtana ku sheegay weerarkii Capitol.

Belichick, oo ka tirsan New England Patriots, ayaa sheegay inuu aad u farxay markii ugu horreysay ee loo soo bandhigay biladda – oo ah abaalmarinta ugu sarreysa ee la siiyo shacabka ku nool Mareykanka.

Balse wuxuu sheegay inuu fekerkiisa beddelay kaddib markii taageerayaasha Trump ay toddobaadkii hore galeen Kongreeska Mareykanka. Shan qof ayaa ku dhimatay weerarkaas.

Tababarahan caanka ah ayaa hore uga hadlay saaxiibtinimada kala dhaxaysa Mr Trump.

Belichick, oo saddex jeer ku guuleystay Super Bowl, ayaa loo arkaa mid ka mid ah tababarayaashii ugu fiicnaa ee soo mara taariikhda NFL.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %