Taariikh la Duugey 22KII Ocktoobar Sannadkii 1983? — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taariikh la Duugey 22KII Ocktoobar Sannadkii 1983?

22 Oktoobar Sannadkii 1983 Ayaa Madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare waxaa uu Xariga ka jarey Telefishinkii Jamhuuriyada Soomaaliy oo Shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu Xiiso qabeen, waxaana Talefishinka soo marey Xiligii Dowladii Kacaanka Saddex Agaasime waxaa ugu horeeyey Axmed Cali Askar, waxaa sidoo kale Agaasime ka soo noqdey Yuusuf Maxamed Xayd , waxaa ugu dambeeyey Maxamed Xasan Kaahin

Bishii Abriil sannadkii 1989 ayaa Shaqaale ka Noqdey Talefishinka ka dib markii aan ka soo qalin Jabiyey Jaamacadii Saxaafada, Bishii Juun 14 keedii 1989 Waxaa Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho lagu diley Alaha u Naxariistee Saciid Caateeye Axmed. Waxaana rabaa in aan Bulshada Soomaaliyeed la Qaybsado in Wariye Caateeye uu ahaa Wariyihii ugu Horeeyey ee Soomaaliya lagu dilo inta Taariikhda la ogyahay, waxaana la sheegey in ay Dileen Koox Tuugo ah oo dooneysey in ka dhacaan Kaamiro uu Watey, Xiligaas Dowladii jirteyna waa ay diidey in laga sii Hadlo Dilka Wariyahaas

Talefishinka oo Xaruntiisa ahayd Degmada Yaaqshiid gaar ahaan Towfiiq ayaa waxaa Goob Joog u ahaa habkii loo bililiqeystey “Dagaalka waxaa uu bilowdey maalin Axad ah oo Bisho ahayd 30- Desember 1990 , isla Galabnimadii ayaa Ciidamo ka tirsan Dowlada iyo Shacab Bililiqo doon ah waxay cagta mariyeen Xaruntii Talefishinka”

Dowladii Markii la ridey ayaa wacigelin iyo dadaal ay sameeyeen Shaqaalihii Talifishinka 70% ku Guuleysteen dib loo soo celiyo Qalabkii Talefishinka ee la Bililqeystey ka dib Maxaa dhacay hadana waxaa na Dulmarey Duufaantii Bililiqadi jabhadihii waxaana mar kale Dib loo qaatey Intii aan soo ururiney,

Intaan Xasuusto Shaqaalihii iyo wariyayaashii Talefishinka ka geeriyoodey Ilaah ha u Naxariistee waxaa ka mid ahaa Abuukar Faralaabte. Baasaale, Xuseen Cowsleey , Cabdiraxmaan Kawundha,Xasan Yuusuf Absuge, Axmed Xasan Cowke iyo Cabdinuur Abuureey,

Sawirka halkaan Idiin kaga Muuqda Waa Cabdulaahi Maxamed Xasan (Cadulaahi Black ) oo dhex Taagan Keydkii Cajaladaha waxa uu ahaa Madaxii Barnaamijyada iyo Madaxii Keydka Cajaladaha Talefishinka Sawirka waxaa la qaadey Sannadkii 1990 , waxayna ku dhex sugan yihiin Xarunta Talefishinka Sidoo kale sawirka kale waa Wariyayaashii Talefishinka Fadhiga waa Cabdulaahi Black,Saynab Jaylaani, Waabari, Safka taagan, Cabduqaadir Maxamed Hiraabe, Xasan Biid oo ahaa Camer-mankii Madaxweynaha, Maxamed Shiil Xasan,Ilkacase, Faysal Maxamed Cabdi iyo Warsame Maxamed Geedi

Muxyadiin Siidow oo Ka mid ahaa Sawir qaadayaashii Talefishinka Qaranka kuwii ugu Firfircoonaa ayaa mar uu igu soo booqdey Xafiiska ayaa weydiiyey in uu daneynayo in uu Dib ugu laabto Shaqadii Talefishinka Qaranka maadaama uu ka mid ahaa Shaqaalihii Joogtada Talefishinka ayaa ku jawaabey “Muddo Sannad ku dhawaad waxaana Raajicinayey oo Kabaihii iiga dhamaadeen in aan Dib ugu laabto Shaqadeydii hase yeeshee Wasaarada warfaafinta Albaabada ayey iga Xirteen, waxaana weli Tirsanayaa Cadaalodaro” Waxaan u soo jeedinayaa Masuuliyiinta Warfaafinta in ay arrintaan soo faregeliyaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!