Switzerland oo baareysa ninkii isku qarxiyey Hotel SYL oo dalkeeda ka tegay

Read Time:51 Second

Mareeg.com: Dowladda Switzerland ayaa sheegtay iney baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonto nin toddobaadkii hore isku qarxiyay hotel ku yaalla magaalada Muqdisho oo ku noolaan jiray dalkooda.

Carolina Bohren, afhayeenka sirdoonka Switzerland ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AP in ninka is qarxiyay uu heystay deggenaasho dalkiisa, balse uusan helin dhalashada dalkaas.

Waxey sheegtay in ninka oo Soomaali ahaa uu dalka Switzerland tagay  sanadkii 2008-dii.

Carolina ayaa tilmaantay in laamaha amniga ee dalka Switzerland ay ogaadeen in ninka is qarxiyay uu ka baxay dalkooda bishii January ee sanadkii 2013-kii, iyadoo aan la ogeyn halka uu u safray.

Weerarka oo lagu qaaday Khamiistii hore hotel SYL, xilli ay ku shirayeen saraakiil Turkish ah, waxaa ku dhintay afar qof oo uu kujiro qofka is qarxiyay.

Saraakiisha Switzerland ma aysan sheegin magaca ninka is qarxiyay, hase ahaatee warbaahinta Soomaaliya ayaa heshay magaca ninkaas oo la oran jiray Maxamuud Cismaan Jimcaale “Dhageey”.

Alshabaab ayaa sheegtay qaraxii ka dhacay Hotelkaas, iyadoo ay weerarkaas ku dhinteen ilaa 5 ruux oo askar u badnaa.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.