Suxufiyiin codsaday sii deynta wariyaasha Shabeelle & Sky * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Suxufiyiin codsaday sii deynta wariyaasha Shabeelle & Sky

Mareeg.com: Qaar ka mid Suxufuyiinta magaalada Muqdisho oo manta shiray ayaa ka codsaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in la sii daayo madaxda iyo maamulka Radio Shabelle iyo SKY FM.

Ilaa 50 suxufi oo ka howl gala warbaahinta madaxa banaan ee Soomaaliya iyo kuwa Caalamiga ah oo maanta kulan ay ku yeeshay Xarunta Idaacada Shabelle ayaa codsaday in lasii daayo wariyaasha mudada lixdanka cisho ah u xiran dowladda.

Suxufiyiinta ayaa waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya inay dib hawada loogu soo celiyo Idaacadaha Shabelle iyo SKY FM, waxaana ay muujiyeen suxufiyiinta inay warbaahinta Muqdisho ka howl gasha ay tahay mid mideysan oo isku dhinac ah

Agaasimaha Idaacada Shabelle Maxamed Muuse oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in suxufiyiinta kala ah Milkiilaha Idaacada iyo saddex wariye oo kale ay ku xiran yihiin si sharci daro ah, kuwaasoo muddo ka badan labo bilood ku jira xabsi, iyagoo aan maxkamad la horkeenin.

“Waxaa ka codsanayaa dowladda Soomaaliya in wariyeyaashaas xiran in si shuruud la’aan lagu sii daayo, waxaa la xiray iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, hanaloo ogolaado inaan helno qalabkii ay ku howl geli lahaayeen idaacadaha xiran, si ay hawada ugu soo laabtaan”ayuu yiri Agaasimaha Radio Shabelle.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa sheegay in wariyeyaasha xiran loo baahan yahay inay cadaalad helaan, isla markaana idaacadaha hawada ka maqan dib hawada loogu soo celiyo.

Wariyeyaasha xiran ayaa waxaa ka mid ah: Milkiilihii Shabeelle, C/maalik Yuusuf Maxamud, Maxamed-Bashiir Xaashi oo ka mid ahaa wariyeyaasha idaacadda Shabelle, Axmed Cabdi Xasan oo ka tirsan Shabelele iyo Maxamuud Carab oo isana ka mid ah wariyeyaashii SYK FM, waxaana la filayaa in maalinta talaadada ee taariikhdu ku beegan tahay 21-ka bisha October maxkamad la soo taago.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!