Nin ka tirsan ISIS oo hooyadiis wax ka toogtay!

Mareeg.com: Mid ka mid ah dagaalamayaasha ISIS ee dalka Suuriya ayaa hooyadiisa wax uga toogtay goob fagaare ah oo ku taalla magaalada Ruqa oo ah caasimadda ISIS ama Khalaafada Islaamiga ah.

Sida ay qortay BBC laanta Afka Carabiga, dhaqdhaqaaqayaal reer Suuriya ayaa sheegay in ninka falkaas ku kacay uu qeyb ka qaatay fulinta dil toogasho ah oo lagu xuklumay hooyadiis kadib markii ay go’aansatay iney ka baxdo ISIS oo ay la shaqeyneysay.

Dhaqdhaqaaqayaasha ayaa BBC u sheegay in boqolaal ka tirsan dadka magaalada Ruqa oo daawadeen ninka hooyadiis wax toogtay, iyadoo falka ah uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Albariid.

Magaca hooyada la dilay ayaa lagu sheegay Liina Alqaasim, halka wiilkeeda wax ka toogtay magaciisa lagu sheegay Cali Saqar.

Wiilka ayaa la sheegay inuu saaxiibadiis kala tirsan ISIS u sheegay in hooyadiis uga digtay in isbaheysiga uu Mareykanku hogaaminayo uu ka adkaan doono ISIS, islamarkaana uu qabsan doono magaalada Ruqa, ayna tahay iney iyada iyo wiilkeeda ka baxaan magaalada inta aan lasoo gaarin.

Saaxibada wiilka ayaa gudbiyey warka hooyadu u sheegtay wiilkeeda, kadibna waa lasoo qabtay, iyadoo lagu xukumay dil.

Arintaan ayaa loo arkay in ISIS uga hortegeyso in dad kale isku dayaan iney ka baxaan safkooda.

Halkaan hoose ka aqri warbixinta BBCARABIC ka qortay arrintaan la yaabka leh 

http://www.bbc.com/arabic/middleeast/2016/01/160108_syria_raqqa_isis_oedipus

Mareeg Meida

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245