Suuriya: Kacdoon Wadayaal qoday 850 Mitir oo dhulka hoostiisa ah si ay u qarxiyaan xero milateri * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Suuriya: Kacdoon Wadayaal qoday 850 Mitir oo dhulka hoostiisa ah si ay u qarxiyaan xero milateri

Idlib – Mareeg.com: Koox kacdoon-wadayaal Islaamiyiin ah oo la dagaallamaya dowladda Suuriya ee uu hogaamiya madaxweyne Baahaar Al-asad ayaa ku guuleystay iney qarxiyaan saldhig ciidan oo ay dowladda Suuriya ku laheyd koonfurta gobolka Idlib, halkaasoo ka mid ah goobaha ay dhaceen dagaalladii ugu xumaa.

Kooxdan Kacdoon-wadaayaasha ah ayaa dhulka hoostiisa qoday masaafo ku dhow hal KM, taasoo aheyd 850 Miitir, waxeyna godkaas dhulka hoostiisa ah gaarsiiyeen bartamaha xerada milateri.

Sida ay ay qortay Alarabiya.net, kooxdan hubeysan ayaa godka hoostiisa ku xiray walxaha qarxa oo gaarayey ilaa 60 tan, dabadena wey qarxiyeen taasoo keentay inuu gebi ahaan burburo saldigaas milateri ee maamulka Bashaar Al-asad lahaa.

Xeradan la qarxiyey waxaa ku sugnaa ilaa 100 askari iyo qalabkii ay ku dagaalamayeen, waxaana godka dhulka hoostiisa la mariyey kooxdani qodayeen muddo 7 bilood ah.

Kooxda qaraxan sameysay ayaa lagu magacaabaa Al-jabhal Islaamiya, sida ka muuqata sawirka ay soo saareen ee muujinaya qaraxa ay ka geysteen xeradaas ciidan.

Gobolka Idlib ayaa ka mid ah deegaanada ay muddo ka badan 3 sano isku mari la’yihiin ciidamada Bashaar Al-asad iyo kooxaha u badan Islaamiyiinta ee ka horjeeda.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!