Suuriya: Daacish oo qabsatay magaalada Taariikhiga ah ee Tadmur (Palmyra) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Suuriya: Daacish oo qabsatay magaalada Taariikhiga ah ee Tadmur (Palmyra)

Mareeg.com: Mintidiinta Khalaafada Islaamiga ah ee Suuriya ayaa si xoog ah ciidamada dalkaas ugala wareegay magaalada Taariikhiga ah ee Tadmur (Palmyra) oo ku taalla gobolka Ximas ee bartamaha Suuriya.

TV-ga dowladda Suuriya ayaa xaqiijiyey in ciidamada dowladdu faarujiyeen magaaladaas, sidoo kalana dadkii halkaas ku noolaa ay isaga carareen.

Magaalada Tadmur (Palmyra) oo ah magaalo ay ku yaallaan raadad badan oo taariikhi ah ayaa lagu tilmaamay mid istiraatiiji ah, oo isku xirta bariga iyo galbeedka Suuriya.

Qabsashada magaaladan ayaa ka dhigan in Daacish sidii hore uga dhawaatay magaalada Caasimadda u ah Suuriya ee Dimishiq (Damascus).

Waxaa jira cabsi weyn oo laga qabo in Daacish burburriso goobaha taariikhiga ah ee dalkaas, iyagoo horay dhulka ugu daray raadad badan oo ku yaallay Ciraaq iyo Suuriya.

Mas’uul ka tirsan maamulka raadadka Suuriya ayaa sheegay in Mitxafka magaalada laga raray raadad badan oo taariikhi ah, kuwaasoo la geeyey goobo aamin ah, sida uu yiri.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!