Suuqyada qaadka Muqdisho oo maanta noqday kuwa haawanaya

Read Time:1 Minute, 10 Second

Mareeg.com: Suuqyada Qaadka Muqdisho ayaa maanta noqday kuwa haawanaya, kadib markii shaqo joojin ay sameeyeen guddiga ganacsatada qaadka ka keena dalka Kenya ay maanta baajiyeen qaadkii ay dalka keeni jireen.

Marka laga reebo qaad haraadi ah ee shalay ka yimid oo lagu iibinayo goobaha qaar, na jirin qaad cusub oo maanta la geeyey Muqdisho.

Qaar ka mid ah dumarkii ka ganacsan jiray qaadka ayaa lagu arkayey iyagoo iska fadhiya suuqayada ay geedkaas ku iibin jireen, iyadoo aan goobahaas lagu arkeyn dadkii qaadka iibsan jiray.

Joojinta qaadka ayaa ka dambeysay markii Guddiga Ganacsatada Qaadka ay cabasho ka muujiyeen qiimo koror lagu sameeyay lacagihii canshuuraha looga qaadi jiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo halkii jawaan la gaarsiiyey $200 dollar sida ay sheegtay, Suweys Jaamac oo ka tirsan ganacsatada qaadka ka keena Kenya.

Ganacsatada waxay kaloo cabasho ka muujiyeen in ganacsatada reer Kenya ee qaadka soo saara, ay sidoo kale kordhiyeen qiimihii caadiga ahaa ee qaadka looga iibsan jiray, iyagoo qiimaha halkii jawaan gaarsiiyey $600 dollar.

Ganacsatada qaadka ayaa doonaya iney cadaadis xoog leh saaraan dowladda Soomaaliya iyo beeraleyda qaadka ee dalka Kenya.

Dad badan oo noloshooda ka raadsada ganacsiga qaadka ayaa joojintu saameyn ku yeelatay, waxaase l ogyahay in qaadku dhibaato badan ku hayo dalka Soomaaliya.

Waxaa Muqdisho maalin kasta ka degi jiray 16 diyaaradood oo qaad sida, halka diyaarad weyn oo u dhiganta 6 diyaaradood oo yaryar ay ka degi jirtay Puntland.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %