Suuqa weyn ee degmada Wadajir oo xalay gubtay

Mareeg.com: Dab xoog leh oo xalay ka kacay Suuqa degmada Wadajir ee loo yaqaano (Suuqweyne) ayaa sababay khasaare laxaad leh, inkastoo aan tiro koob rasmi ah aan weli la soo saarin.

Sida uu sheegay maamulka degmada Wadajir, dabka ayaa ka dhashay Makiinad cajiin, wuxuuna ku faafay qeyb ka mid ah Suuqa, taasoo keentay iney bas-beelaan ku dhawaad 20 dukaan.

Dedaal ay sameeyeen dabdamisyo ka socday Turkiga, Amisom, shirkado maxalli ah iyo maamulka degmada ayaa markii dambe lagu guuleystay in la damyo dabkaas.

Gudoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax ayaa sheegay in dabku uu geystay khasaare aanb yareyn, inkastoo uusan sheegin khasaaraha rasmiga ah.

Suuq Wey nee degmada Wadajir ayaa ah suuq ballaaran, kaasoo leh qeybaha kala duwan ee suuqyada looga baahan yahay, wuxuuna ku yaallaa inta u dhaxeya Isgosyka Koronta iyo xaafadda Xaawo Taako.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245