Suuqa Bakaaraha oo u xiran shaqo joojinta ganacsatada

Mareeg.com: Ganacsiga Suuqa Baakaaraha oo saaka xirmay ayaa weli xayiran, iyadoo ganacsatadu ku jiraan gedood ka dhashay canshuur ay sheegeen in lagu soo rogay.

Dhammaan dukaamadaha ganacsiga, sida bakhaarada, suuqyada dawada, bacadlaha, kan qudaarta, dahabka iyo qaybaha kale ee suuqaas uu ka kooban yahay ayaa albaabada loo laabay, iyadoo aysan jirin goob ganacsi oo furan.

Sida uu Mareeg Media u sheegay mid ka mid ah suuqleyda Bakaaraha, ma jiraan wax ciidan ah oo ku sugan gudaha Suuqa, wuxuuna xusay in sababta shaqo joojintu tahay canshuuro aysan awoodin oo lagu soo rogay.

Waxaa jira gaadiid xamuul oo shalay galab suuqa Baakaraha, kuwaasoo aan la dejin, maadaama ay socoto shaqo joojinta ganacsatada.

Ganacsatada ayaa ka cabanaya lacago si baad ah looga qaadayo, looguna sheego iney yihiin canshuur, iyadoo weliba ay lacagahaas qaadayaan ciidamo aan la aqoonin.

Maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaan weli ka hadlin shaqo joojinta ay sameeyeen ganacstada suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245