Suuqa Bakaaraha oo saakay xiran& Howlgal ka socda.. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Suuqa Bakaaraha oo saakay xiran& Howlgal ka socda..

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM,ayaa saakay xiray wadooyin muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha,gaar ahaan wadooyinka gala suuqa Bakaaraha.

Gaadiidka Ciidanka AMISOM ayaa lagu arkayaa isgoysyada muhiim ah ee Suuqa Bakaaraha,waxaana Ciidanka baaritaan xoogan ay ka wadaan gudaha suuqa.

Dadka ayaa loo diiday saakay iney furaan Dukaamada ganacsigooda,Ciidanka ayaana si wada jir ah dadka ugu diiday iney Suuqa ugu weyn Soomaaliya ay galaan.

Boqolaal Qof oo saakay u soo jarmaaday in ay furtaan goobahooda ganacsi ayaa dhoobay hareeraha laga soo galo Suuqa sida ay idaacadda Risaala u sheegeen Qaar kamid ah Ganacsada Suuqa weyn ee bakaaraha.

Lama oga sababta rasmiga ee laga leeyahay howlgalka ka socda Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!