Suudaan oo ku guuleysatay Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Suudaan oo ku guuleysatay Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD

Hoggaamiyeyaasha Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa ay Maanta Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk u doorteen Guddoomiyaha Cusub ee Urur-gobaleedka IGAD.

Shirweynaha 13aad ee  Madaxda Urur Goboleedka IGAD uga socda Magaalada Adiis Ababa ayaa waxasa ay cod u qaadeen dalka qaban lahaa Guddoomiyaha Cusub ee Urur-gobaleedka IGAD oo ay ku loolamayeen dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa waxaa ay ra’iisul Wasaaraha suudaan u doorteen  Guddoomiyaha Cusub ee Urur-gobaleedka IGAD,kaas oo xilkaasi heyn doona muddo hal sano ah.

Ra’iisul-wasaaraha Suudaan waxa uu xilka Guddoomiyaha IGAD kala wareegi doonaa dhigiisa Ethiopia, Abiy Ahmed,waxaana

Dowladda Ethiopia ay xilka Guddoomiyaha IGAD hayeen tan iyo sannadkii 2010-kii.

Shirweynaha lagu doortay guddoomiyaha Urur-gobaleedka IGAD ayaa waxaa ka qayb galay dhamaan Madaxda Wadamada ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD ee ka jira geeska Afrika.

Doorashada Guddooomiyaha Cusub ee IGAD ayaa waxaa ay soo af-jartay loolankii Kenya ee Xilkaasi oo maalmahan siweyn looga dareemayey Gudaha wadamada Afrika.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!