Suldaan ku kacay Somaliland oo la sheegay in Itoobiya xirtay

Read Time:1 Minute, 0 Second

Mareeg.com: Wararka ka imaanada xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay xireen Suldaan dhawaan ka horjeestay maamulka Somaliland, islamarkaana uruursaday malesshiyaad, isagoo ka cabanayey sida uu uu yiri gacan bidixeyn maamulka Somaliland ku sameeyey deegaanka uu kasoo jeedo ee gobolka Awdal.

Suldaan Abiikae Cilim (Suldaan Waber) oo cadeystay inuu mucaarid ku yahay Somaliland ayaa warar saaka soo baxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya qabteen isaga iyo rag kale oo la socday.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhawaan ciidamadiisa amar buuxa uu siiyey in ay gacanta ku soo dhigi karaan Suldaan Waber.

Ma jiro war cad oo ilaa hadda ka soo baxay maamulka Somaliland oo ku saabsan xariga la sheegay in ciidamada Itoobiya u geysteen Suldaan Wabar, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Suldaanka iyo dadka ku fekerka ah.

Suldaan Waber oo ka mid ah madax dhaqameedka ka soo jeeda gobalka Awdal, ayaa muddooyinkii danbe ku jirey duurka ka dib markii uu ku dhawaaqay hadalo lid ku ah Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in dhibaatada ka jirta gobolka ay sabab u tahay shirkad lagu magacaabo ARC oo macdan iyo shidlaal ka baareysa gobolka Awdal, waxaana dowladdu shirkadaas u dirtay digniin.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %