Translate to your language
Suldaan lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarrunta Jubada Hoose — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Suldaan lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarrunta Jubada Hoose

Kismaayo – Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magalaada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu dilay suldaan caan ka ahaa gobolkaas.

Suldaanka la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Suldaan Caamir C/rashiid, kaasoo ka mid ahaa salaadiinta Beesha Shiikhaal ee gobolka Jubada Hoose.

Suldaan C/rashiid Macallin oo ku sugan Kismaayo, islamarkaan la hadlay Radio Mustqabal ayaa dilkaas suldaankaas ku eedeeyey ciidamada maamulka Juba ee ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Suldaan C/rashiid Macallin ayaa sheegay in Suldaanka la dilay xilli uu dawo ka gadanayey farmashiye, wuxuuna yiri “Suldaanka waxaa dilay ciidamada Axmed Madoobe ee maalmahaan dadka leynayey”.

“Wuxuu ka mid ahaa Suldaanku dadkii maalmahan nabadda u ololeynayey ee lahaa dadka yaan la dilin” ayauu sidoo kale yiri Suldaan C/rashiid Macallin.

Ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya cidda dishay suldaankaa, hase ahaatee magaalada Kismaayo ayaa ah magaalo dilalku ku badan yihiin oo weliba dhinacyo kala duwan dilalka ka geystaan.

Mareeg Media

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!