Sudan: Madaxweyne Albashiir oo si weyn ugu guuleystay doorashadii madaxtinimo

Read Time:59 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Albashiir ayaa markale ku guuleystay inuu noqdo madaxweynaha dalkaas, kadib markii uu helay 94% codadkii laga dhiibtay doorashadii dhawaan dhacday, sida uu ku dhawaaqay Guddiga doorashada.

Mukhtaar Al-asam oo ah gudoomiyaha guddiga doorashada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimadda ah ee Al-khartoum ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Albashiir helay ilaa 5 Mliyan oo cod, iyadoo dadka codeeyey ahaayeen 5 Milyan iyo bar.

Markii lagu dhawaaqay natiijda doorashada iyo guusha Albashiir ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Takbiir.

Al-asam ayaa sheegay in dadka codeeyey ayaa gaarayeen 46% dadka reer Sudan kuwooda codeynta loo ogolyahay oo gaaraya 13 Milyan.

Albashiir ayaa la tartamay 15 Musharrax oo caan aheyn, kuwaasoo gooni gooni u taagnaa, waxaana tartanka doorashada iney ka qeybgalaan diiday Axsaabta Mucaaridka ah.

Ninka ugu roon dadka la tartamay Albashiir oo lagu magacaabo Fadli Alsayid Shuceyb oo ah gudoomiyaha Xisbiga Al-xaqiiqa ayaa helay 1.43% codadka la bixiyey.

Madaxweyne Albashiir wuxuu xukunka Sudan afgembi ku qabsaday sanadkii 1989-kii, iyadoo ay taageerayeen Kooxaha Islaamiyiinta ah.

Sudanese President Omar al-Bashir waves to the crowd during his visit to the Northern Kordofan town of El-Obeid to address a rally of freshly-trained paramilitary troops on April 19, 2012. Bashir vowed on April 19, to teach "a lesson by force" to the South Sudanese government over its seizure of the north's main Heglig oil field. AFP PHOTO / EBRAHIM HAMID (Photo credit should read EBRAHIM HAMID/AFP/Getty Images)

Sanadkii 2010 ayaa markale dib loo doortay, waxaana doorashadaas sida tan sanadkaan qaadacay Mucaaridka oo sheegay ineysan ku dhaceyn hanaan cadaalad ah.

Albashiir

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.