Mareeg.com: Dalka Sudan waxaa saaka cod-bixiyaashu u dareereen doorashada madaxtinimo iyo tan baarlamaanka, iyadoo ay tartamayaan ilaa 15 Musharrax oo uu ugu horreeyo madaxweyne Cumar Xasan Albashiir.
Inta badan xisbiyada mucaaridka ayaa qaadacsan doorashada oo la rumeysan yahay inuu ku guuleysan doono madaxweynaha xilka haya ee Cumar Xasan Albashiir.
Tartanka doorashada madaxweynaha waxaa ka qeybgelaya haweeney lagu magacaabo Fatima Abdil Mahmud oo 71 jir ah.
Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee ka dhacda dalka Sudan tan iyo markii Koonfurta Sudan ka go’day dalkaas, sanadkii 2011.