Sudan: 100 Ku Dhimatay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Daarfuur

Khartoum, Mareeg.com: Ilaa 100 qof ayaa ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Daarfuur ee galbeedka dalka Sudan, iyadoo dagaalkaas ka dhacay magaalo lagu magacaabo Umu Dakhan oo dhacda galbeedka Sudan.

Radio-ga rasmiga ah ee Umu Durmaan ayaa baahiyey warkaan, isagoo tilmaamay in labada beelood ee dagaallamay lagu kala magacaabo A-museyriya iyo Alsalaamaat, kuwasoo wada dega galbeedka gobloka Daarfuur.

Radio-ga Umu Durmaan ma sheegin waqtiga rasmiga ah ee dagaalkan lagu hoobtay dhacay, hase ahaatee wakaaladda wararka AFP ayaa kasoo xigatay oday dhaqameed u dhashay beesha Almuseyriya in dagaalku soo gaaray shalay oo sabti aheyd, islamarkaana ay ku dhinteen ilaa 50 ruux oo labada dhinac ah.

Wasiirka gaashaandhiga Sudan C/raxmiim Maxamed Xuseen ayaa dhawaan sheegay in dagaalka beelaha ee goboka Daarfuur uu ka mushkilad badiyey dhibaatada ay wadaa kooxaha falaagada ah ee goblkaas ku sugan ee dowladda ka horjeeda.

Labadan beelood oo Carab ah ayaa sidan oo kale bishii April ee bilowgii sanadkaan 2013 ku dagaallamay Daarfuur, waxaana dagaalkaas ku dhintay ilaa 200 ruux oo labada dhinac ah.

Mareeg.com