Su.aalo Shaki ka dhex abuuray Hey’adaha amaanka oo ka dhashay Qaraxyadii muqdisho.

Read Time:1 Minute, 21 Second

Muqdisho ( mareeg News ) Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa dhibaatada ugu badan waxay kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha la weeraro.

Qaraxyaii ugu dambeeyay ee ka dhacay Hotelka Saxafi ayaa sababay dhimashada dad badan oo shacab ah, oo ilaa 30 qof gaaraya, waxaana sidan oo kale dad shacab ah ku dhinteen weeraro badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Su’aalo badan ayaa ka dhasha qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood aanan Jawaabo loo helin, waxaana ugu horeeya labiska ay wataan kooxaha weerarka geysanaya oo ah midka ugu dambeeya ee ay isticmaalaan ciidamada dowladda.

Kooxdii maanta weerarka fulisay waxay wateen dharka ciidamada xasilinta magaalada Muqdisho ee dhowaan la baabi’iyey. Dharkaas ayaa waxaa ciidamada u keenay tababareyaashooda caddaanka ah ee ka yimid dalalka reer galbeedka.

Yaa Siiya Labiska ay adeegsadaan kooxaha fulinaya weerarka, waa Su’aasha ugu badan ee ay isweydiinayaan Shacabka Soomaaliyeed, maadaama Al-Shabaab aysan awood buuxda ku laheyn gudaha magaalada Muqdisho.

Dadka Falanqeeya amaanka ayaa sheegaya inay jiraan xubno Al-Shabaab u fududeeya inay helaan labista ugu dambeeya ee ciidamada xooga dalka iyo hubka oo inta badan ay ka helaan xeryaha ciidamada ee ay weeraraan.

Su’aalaha kale ee ka dhasha Qaraxyada ayaa ah sidee loo heli waayay xogta ay helaan Al-Shabaab mid ka badan, Tusaale waxaa Shabaab ay qorsheeyaan goobta ay weerarayaan iyaga oo eeganaya xiliyada shaqsiyaadka ay doonayaan ka baxayaan goobta ay damacsan yihiin ama ay dabacsan tahay amaanka goobta ay weerarayaan.

Waxaa aad u yar ama aan lagu dhaqaaqin xogaha sirdoonka uu helo, maxaa yeelay helida xogaha amaanka iyo ka falcelintooda deg dega ah ayaa lagu xaqiijin karaa amaanka magaalada Muqdisho.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %