Soomaaliya:Theresa May oo dhabaal u dirtey madaxweyne xasan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya:Theresa May oo dhabaal u dirtey madaxweyne xasan

Muqdisho, 02, Aug July 2016 (Villa Somalia) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wasiirka dowladda Ingriiska u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhexe Mudane Tobias Ellwood.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka guddoomay Wasiirka Tobias Ellwood dhambaal uga yimid Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ingariiska. Dhambaalka ayey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ingariiska ku caddeysay sida ay uga go’an tahay xoojinta xirriirka ka dhaxeeya labada dal iyo kor-dhinta tageeradda ay dowladda Inagriska ku bixiso Dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Wasiirka Dowladda Ingariiska u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhex Tobias Ellwood ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin aminga, siyaasadda iyo maal-gashiga dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub Ingariiska sida ay ahmiyadda u siineyso iyo ka go’an tahay garabsiinta dowlada Soomaaliya.dhambaal1safiirada ingiriiska

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.