Warqad uu ku saxiixanyahay David Beasely oo ah Xoghayaha fulinta WFP ayuu kaga codsaday Soomaaliya in ay aqbasho xilkaas oo shaqadiisu billaabaneyso 1da Bisha January ee 2020ka.

muddada xil heynta haddii ay aqbasho Soomaaliya ee ay xubnaha go’aanka ku leh WFP ka mid ahaaneyso waa saddex Sano waxaana ay ku egtahay sanadka 2022ka.

“Aniga oo ku hadlaya magaca WFP waxaan hambalyo halkaan uga dirayaa Soomaaliya oo loo doortay ka mid noqoshada Guddiga fulinta WFP,waxaan codsanayaa in Soomaaliya aqbasho xilkan” ayaa lagu xiray qoraalka ka soo baxay David oo ku taariikheysan 20ka December 2019.

Magacaabista xilka sare ee WFP ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyada oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu sida weyn saameynat taban ugu yeeshay Ayaxa ku habsaday geeska Afrika kaas oo dhulka dhigay in ka badan 70,000 oo Hektar oo dhul beereed ahaa.

Iyada oo uu Roobka deyrta wali da’ayo ayey Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO sheegtay in Ayaxa uu sii joogayo ilaa bilaha March iyo April 2020ka isaga oo ku sii fidaya Koofurta Qaaradda Afrika.