Soomaaliya oo Tunis ka codsatay iney qeyb ka qaadato dib u dhiska iyo maalgashiga dalka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya oo Tunis ka codsatay iney qeyb ka qaadato dib u dhiska iyo maalgashiga dalka

Tunis – Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Tunis ayaa la kulmay dhigiisa dalkaas Mongi Hamdi.

Kulanka labada Wasiir ayaa waxaa looga hadlay dib u soo celinta Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, is dhaafsiga khibradaha, maalgeshiga iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda dunida carbeed.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa bogaadiyay himilada dimoqraadiyadeed ee ka dhaqan-galay wadanka Tunisia, waxa uuna ka sheekeeyay isbadalada iyo horumarada dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaqiijisay iyo rajada mustaqbalka dhow uu hiigsanayo dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu ka codsaday dowladda Tunisia inay u soo dirto Caasimadda Muqdisho koox khubaro ah, ayna si lixaad leh uga qeyb qaadato howlaha dib u dhiska iyo maalgashiga.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Tunisia Mongi Hamdi ayaa booqashada Wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku yimaadeen Caasimadda Tunis ku tilmaamay mid taariikhi ah, oo suuragelinaya in labada dal ay dib u ambaqaadaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, isagoo xusay in dowladda Tunisia ay ka taageereyso Soomaaliya dhinacyo badan.

Waxaa xusid mudan in Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Caasimadda Tunis si rasmi ah loo xiray dabayaaqadii sanadkii 1990-kii oo qeybo ka mid ah dalka uu ka curtay xilligaasi dagaal sokeeye oo salfaday deganaanshaha iyo nolosha dowladnimada.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!