Soomaaliya oo taageero maaliyeed iyo mid milateri ka dalbatay dalalka Carabta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya oo taageero maaliyeed iyo mid milateri ka dalbatay dalalka Carabta

Qaahira – Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa taageero maaliyadeed iyo mid milateri ka dalbatay dalalka Carabta, si wax looga qabto xaaladda dalka.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mahad Mohamed Salad oo kaga qeybgalay magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar Shirka caadiga ah ee Wasiirada Arrimaha dibadda Carbeed wareegiisa 141-aad, kaasoo gelinkii dambe ee shalay la soo gaba-gabeeyay ayaa codsigaas gudbiyey.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa kulankaasi khudbad uu ka jeediyay kaga hadlay baahida dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qabto taageera maaliyadeed iyo mid milatari oo dhameystiran oo suuragelin karta tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Mahad Mohamed Salad ayaa ugu baaqay wadamada carabta inay kaalin muuqata ka cayaaraan howlaha horumarinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya, isagoo ku booriyay inay dib uga furtaan Caasimadda Muqdisho safaaradihii ay ku lahaayeen.

War murtiyeed laga soo saaray Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda Carbeed ayaa waxaa ay ku qireen taageeridooda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxaa ka horeeyay fadhi ay yeesheen Safiirada iyo ergada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya uu kulankaasi uga qeyb galay danjiraha Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ahna ergeyga joogtada ah ee u qaabilsan Jaamacadda Carabta Ambassador Abdullahi Hassan Mohamud.

Kulanka Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada Carabta ee shalay lasoo gebagebeeyey ayaa waxaa loogu gogol xaarayay Shir madaxeedka hogaamiyaasha carbeed wareegiisa 25-aad oo ka socon doona maalmaha 25-26 March.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!