Soomaaliya Oo Saxiixeysa Heshiiska Xuquuqda Carrurta & Magacyada Dalalka Aan Weli Saxiixin

Read Time:1 Minute, 27 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay saxiixi doonto heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xuquuqda carruurta.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan shalay ka jeediyey Iskuulka Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay shalay ku beegneyd maalinta la xuso dhowrista xuquuqda carruurta aduunka.

“Waxbarashadu waa iftiinka nolosha oo la’aanteed aan suurtogal aheyn. Maanta waa maalinta Carruurta Caalamiga ah, waana inaan ku wada dadaalnaa sidii carruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayee xaquuqdooda aasaasiga ah, sida waxbarasho lacag la’aan ah” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Booqashadan maanta waxey ka tarjumeysaa ahmiyadda ay dowladdu siineyso waxbarashada iyo dhaqangelinta tiigsiga dowladda ee ah in hal milyan oo carruur ah ay aadaan Iskuulada oo ay helaan waxbarasho tayeysan” ayuu sidoo kale yiri madaxweyne Xasan.

“Waxbarashadu waa raasamaal aan weligaa ka go’eynin oo qof kale uusan kaa qaadan Karin, oo adduun iyo aakhiraba ku anfacaya ee waa in ardayda Soomaaliyeed ay ku dadaalaan waxbarashadooda, si waddanka uu u helo hoggaamiyeyaal aqoon leh. Carruurtana waa hoggaamiyeyaashii berri oo qaarkiin aad noqon doontaan Taliye Ciidan, Agaasime, Wasiir ama Madaxweyne. Sidaas daraadeed, carruurtu waa inay ku dadaalaan waxbarashadooda. Waqtigeyga intiisa badan waxaan ahaa arday, macallin ama Guddoomiye Jaamicad oo waxbarashada aad baan u jeclahay.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaamay iney iney dadaalaan waxbarashada carruurta, wuxuuna yiri “Waa in dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada, qurbo joogta iyo waalidiinta ay ku dadaalaan sidii carruurta Soomaaliyeed ay waxbarasho u heli lahaayeen.”

20-kii November ee 1989-kii ayay aheyd markii Qaramada Midoobey ay u aqoonsatay maalinta Xaquuqda Carruurta Adduunka.

Koonfur Sudan oo laba sano kahor noqotay dowlad madaxbannaan iyo dowladda Maraykanka ayaa ah labada dal ee saddaxeeya Soomaaliya ee aanan saxiixin heshiiska dhowrista xuquuqda carruurta.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %