Mareeg.com: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dooneyso maxaabiista Soomaalida ee ku xiran xabsiyada Kenya in lagu celiyo dalkoodi hooyo, sidaa waxaa yiri safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Americo oo wareysi bixiyey.
Danjire Ameeriko ayaa sheegay in wada hadal arrintaas ku saabsan kula jiraan masuuliyinta dowladda Kenya.
Maxaabiista Burcad badeeda ayuu sheegay in ay duruufo kala duwan kula soo deristay xabsiyada isla markaana ay jiraan kuwa xanuuno kala duwan qaba oo u baahan daaweyn.
Safiirka ayaa tibaaxay in qorshihii qaxootiga Soomaaliyeed ku nool xeryaha qaxootiga ee Kenya dib loogu celinaayo dalkoodi uu meel wanaagsan maraayo, isla markaana Soomaaliya ay hadda ku dadaalayso in ay horumariso adeegyada bulshada ee magaalooyinka laga saaray al-Shabaab.
Xabsiga Mombasa waxaa ku xiran inka badan 120-Burcad badeed oo lagu riday xukuno kala duwan, waxaana dowladda Kenya kusoo wareejiyey Ciidamada caalamiga ee la dagaalanka Burcad badeeda.
Waa markii ugu hoorreysay ee dowladda federaalka ah ee isku daydo in maxaabiista loo heysto burcad badeednimada ee ku xiran debadda lagu soo celiyo dalooda, si ay halkaas xabsiyada ugu dhameystaan.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.