Muqdisho, Mareeg.com: Ra’isul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Fowziyo Yuusuf Xaaji Adan ayaa u ambabaxdey magaladda Jubba ee xarunta wadanka South Koonfurta Sudan si ay qeyb uga noqoto wasiiro dhowr ah oo dowladaha IGAD u dirayaan halkaas si loo soo afjarayo dagaal dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ka socda dalka Koonfur Sudan.
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Fowsiyo Yusuf Xaji oo intii eysan Garoonka Adan Cade International Air-port ee Muqdisho ka amba bixin warfidiyeenka la hadashey ayaa sheegtey safarka ay ku tageyso wadanka South Sudan uu qeyb dadaal nabadeed oo ay wadaan 5 wadan oo IGAD ka mid ah, kuwaasoo xal u raadinaya dhibaatada ka dhalatay dalkaas.
Fowsiya Yuusuf ayaa qeyb ka ah 5 wasiir arrimo dibadeed oo ka socda dalalka Kenya, Itoobiya, Uganda, Jabuuti iyo Somalia oo qeyb ka noqonaya hannaanka xalka loogu raadinayo dagaalka ka jira Koonfur Sudan oo abuuray cabsi ah in dagaal sokeeye uu mar kale ka qarxo dalka da’da yar.
Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Foziyo Yuusuf Xaaji Adan ayaa sheegtey in dagaallada Koonfurta Sudan ay saameeyeen Soomaali badan oo ka ganacsada magaalooyinka dalkaas ee magaalada Juba ee xarunta wadankaasi ka mid tahay.
Waxey sheegtay wasiir Fowsiyo in Soomaalida ku dhaqan dalkaas ay qeylo dhaan usoo dirsadeen wasaaradda arrimaha debadda Soomaaliya.
Dalka Koonfur Sudan waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya dowladda iyo koox ka soo hor jeedda oo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenkii hore Riek Machar.
Dagaalka ayaa billowday Axaddii la soo dhaafay, wuxuuna galaaftay nolosha 500 oo qof, waxaana markaas kadib madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir oo ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo madaxweyne ku xigeenkii hore Riek Machar.
Urur goboleedka IGAD ayaa horey door muhiim ah uga ciyaaray heshiiskii 2005 ee lagu soo af-jaray dagaalkii sokeeye ee muddada 20-ka sano Sudan kala dhaxeeyay koonfurta.
Mareeg.com