Soomaaliya Oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgeleysa Ciyaaraha Barafka Ee Bandy

Read Time:1 Minute, 39 Second

Borlänge, Mareeg.com: Koox xiyaartooy Soomaali ah ayaa markii ugu horreysay taariikhda isu diyaarinaya ka qeybgalka ciyaaraha barafka lagu dul ciyaaro ee loo yaqaano Bandy.

Magaalada Borlänge ee dalka Sweden ayaa lagu tababarayaa koox dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo bilihii la soo dhaafay la barayey cayaaraha dhulalka qaboobaha ee Bandy, iyaga oo ka qeybgali doono tartanka hoyaalka ciyaaraha qaboobaha 2014 ee ka dhici doono dalka Ruushka inta u dhexeysa 27-ka janaayo ila 2-da bisha Feberaayo 2014.

Mr. Mursal Ciise oo kaashanaya Patrik Andersson ayaa bilaabay qorshaha sameynta barnaamijkan maadaama dhalinyarada Soomaaliyeed loo arkay in ay kaalin mug leh ka qaadan karaan barnaamijyada horumarineed iyo is dhexgalka.

Barnaamijkan waxaa door weyn ka qaatay ninka tababaraha kooxdan oo ah nin Sweden caan ka ah oo la yiraahdo Per Fosshaug oo billado dahab ah oo caalami ah u qaaday, waxaana kaaliye u ah Mr. Cusmaan Xasan oo runtii u dhabar adeygay inta ay tababarka ku jiraan

Ciyaartoydan waxay ka qayb gelayaan Tartanka Horyaalka Ciyaaraha Adduunka ee Qaboobaha 2014-ka oo lagu qabanayo magaalada Irkutsk ee dalka Ruushka inta u dhexeysa 27-ka janaayo ila 2-da bisha Feberaayo 2014, iyagoo matalaya Qaranka Soomaaliyeed, waana markii ugu horreysay oo koox ajnabi ah ama Afrikaan ah ay ka qayb galaan tartan noocan ah.

“Runti waa wax lagu farxo in ay na matalaan ciyaartoy waddanka ku cusub, iyadoo ay joogaan dhallinyaro ku dhalatay qurbaha ama ku koray, waxayna fureen waddo cusub oo mudan in lagu dhiirado” ayuu yiri Mr. Sabriye Gaaboow oo ka qeybgalay daawashada cayaar tijaabo ah oo lagu qabtay Magaalada Borlange ee Dalka Sweden isla markaana ah halka lagu diyaariyey kooxdan ku cayaari doonto magaca Soomaaliyeed.

Ciyaarta Bandy ayaa ah ciyaar lagu dul ciyaaro garoon baraf ah, waxaana ciyaartodu adeegsadaan ulo, kuwaasoo ay wadaan kubad yar si ay uga dhaliyaan kooxda kazoo horjeedda.

Koox kasta waxey ku ciyaarta 11 ciyaarto oo mid yahay gool haye, waxaana waqtiga ciyaartu ka kooban yahay labo qeybood oo mid kasta tahay ilaa 45 daqiiqo.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %