Soomaaliya oo Kenya ka rabat iney cudurdaar ka bixiso xarigii qunsulka safaaradda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya oo Kenya ka rabat iney cudurdaar ka bixiso xarigii qunsulka safaaradda

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iney Kenya ka rabwo iney cudurdaar rasmi ah ka bixiso falkii habeen booliska Nairobi ku xireen Siyaad Maxamuud Shire oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Wasiir ku xigeenka arrimaha debadda Kenya, Mahad Maxames Salaad oo maanta la hadlay warbaahintam kadib markii uu Muqdisho soo gaaray safiirka Soomaaliya u fadhiyey Kenya, danjire Maxamed Cali Ameeriko, ayaa sheegay iney Kenya ka sugayaan jawaab ka qancin karta falkii lagu xiray dublamaasiga ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi.

“Dowladda Kenya waxaan ka rabnaa iney cudurdaar rasmi ah ka bixiso falkii ciidamadeedu ku xireen qunsulka safaaradda Soomaaliya, ee Nairobi” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaaha debadda Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad.

Wuxuu sheegay wasiir ku xigeenku in dowladda Soomaaliya aysan dooneyn in labada dala isku xumaadaan, hase ahaatee ay dowladdu dhibsatay sida booliska Kenya ula dhaqmay dublamaasiga Soomaaliyeed.

Wuxuu wasiir ku xigeenku rajo ka muujiyey in arrintan ay ka cabaneyso dowladda Soomaaliya lagu xallin doono qaab dublamaasiyadeed.

Dowladda Kenya ayaan ilaa hadda ka hadlin eedeynta uga timid Soomaaliya iyo u yeeridda Soomaaliya ee safiirkeedii u fadhiyey Nairobi.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!