Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya oo kaalmaha hore ka gashay dalalka ugu musuqa badan Caalamka

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Transparency International ayaa mar kale  lagu soo bandhigay Warbixin sanadeedkeeda  oo ku saabsan musuqa iyo dalalka Sanadkaan kaalaha hore kaga jiray dhinaca musuq maasuqa.

Warbixinta hay’adda ayaa waxaa loo kala qeybiyay waddamada guusha ka gaaray la dagaallanka musuqa, kuwa musuq la’aanta ah, kuwa ay tahay in isha lagu hayo iyo kuwa musuqoodu cadyahay oo aan waxba ka qaban.

Dalka Denmark ayaa helay waddanka ugu wanaagsan adduunka dhinaca la dagaallanka musuqa,waxaana ay safka 1aad ka ciriirsatay waddamada ugu wanaagsan maamulka dowladnimada iyo maaliyadda.

Dalalka Mareykanka, Hungary, iyo Brazil ayaa loo aqoonsaday kuwo musuqa uu ku kordhayo loona baahanyahay in isha lagu hayo.

Waddamada juhdiga geliyay la dagaallanka musuqa ee soo hagaagaya waxaa ka mid ah; Estonia, Ivory Coast, Senegal and Guyana; and decliners included Australia, Chile, Malta  iyo Dalka Mexico.

Dhinaca hoose ee waddamada uu musuqa la degay waxaa hoggaaminaya Soomaaliya oo kaliya la timid 10%,waxaa ku xiga Waddamada kala ah;  Syria, South Sudan, Yemen, North Korea, Sudan, Guinea Bissau, Equatorial Guinea, Afghanistan iyo Libya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle oo bishii la soo dhaafay ka hor hadlayay Golaha aqalka sare ayaa sheegay in hay’adda Transparency International ay ka been sheegto warbixinteeda musuqa Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ay hay’addaas warqad u qoreen islamarkaana kula xisaabtamayaa hadda wixii ka dambeeya isaga oo ku gooddiyay in ay Maxkamad la tiigsanayaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!