Muqdisho, Mareeg.com: Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka qayb gashay shirweynaha wadamada caalamka ee saxiixay heshiiska ka hortaga isticmaalka hubka halista ah ee kiimikaalka oo marka magacooda loo soo gaabiyo loo yaqaan, OPCW kaasi oo ka furmay magaalada Hague ee dalka Holland
Soomaaliya oo noqday wadamadii ugu danbeeyey oo xubin ka noqda ururkaasi, waxaana uu shirkaasi socon doonaa ilaa 6da bisha December, iyadoo ay ka qeyb galeen madax kala duwan, waxaana Soomaaliya uga qeyb galay Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ee Geneva, Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari.
Danjire Yuusuf Bari Bari oo khudbad ka jeediyey shirweynaha OPCW ayaa ka hadlay marxalada dalka ka jirta iyo dadaalka loogu jiro dib u dhiska iyo dib usoo nooleynta hay’adiihii dowladda Soomaaliya.
Danjiraha ayaa khudbadiisa kusoo qaatay baahida loo qabo in la helo adeegyo cusub oo casri ah kaa oo gacan kasiinaya wadamada xubnaha ka ah OPCW inay ka hortagaan hubka Kiimikaalka, isagoo tacsi u diray shacabka Syria ee dhibaatada ku jira, oo uu Alle ka baryay in dhibaatada ay ku jiraan uu Alle ka dulqaado.
Yuusuf Bari Bari oo ka hadlayey xaalada Soomaaliya ayaa yiri “Dalka Soomaaliya waxaa la degay dagaalo wakhti dheer soo socday, balse waxaa jira deegaano badan oo kamid ah Soomaaliya oo hada nabad heysta, waxaana ku rajo weynahay in dalka Soomaaliya dib uga soo kabto burburkii dhaqaale iyo bulsho ee lasoo gudboonaaday intuu socday dagaalka sokeeye, si ay markale Soomaaliya dib ugu hanato kaalintii ay ku lahayd Afrika iyo Caalamka oo dhan”
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobay ee qaabilsan Xaquuqul insaanka ee Geneva ee dalka Switzerland, Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari ayaa sheegay inuu tacsi u dirayo dhamaan dadkii ku dhintay weerarkii Westgate ee magaalada Nairobi ka dhacay 21kii bishii September, wuxuuna si gaar ah tacsi ugu diray Allaha u naxariistee Yassin Xirsi Diiriye oo ahaa muwaadinkii kaliya ee Soomaaliyeed ee weerarkaasi ku dhintay.
Safiirka Soomaaliya ayaa khudbadiisa sidoo kale ugu mahadnaqay wadamada xubnaha ka ah AMISOM ee madasha ku sugnaa ee ka qeyb qaatay taageerida dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.