Soomaaliya oo heshiis ku saabsan u adkaysiga abaaraha la saxiixatay Baanka Afrika & IGAD * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya oo heshiis ku saabsan u adkaysiga abaaraha la saxiixatay Baanka Afrika & IGAD

Mareeg.com: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadam Ibraahim ayaa heshiis sadex geesood ah kula saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, Bangiga Horumarinta Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo qayb ka ah dadaalada lagu doonayo in lagula tacaalao abaaraha ku soo noq noqda gobolka.

Wasiirka Maaliyada Adan oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa sheegay in heshiiskaan ka dhigan yahay muhiimada ay leedahay in la dhiso bulshooyin la tacaali kara nolashooda xiliga ay abaaruhu sooo wajahaan.

“In kasta oo aanaan awoodi karin inaan ka hortagno abaaraha marka ay dhacayaan, hadana waxaan xaqiijinaynaa anagoo fulinayna Barnaamijka Nolol Abuurka iyo u Adkaysiga Abaaraha inaan dadka ka caawino dhibaatoyinka abaaruhu sababaan” ayuu yiri wasiirka maamliyadda Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa waxaa uu soconayaa mudo 5 sano wuxuuna dhamaanayaa sanada 2020, Waxaana iska kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, Banagiga Horumarinta Africa iyo Urur Goboleedka IGAD.

“Barnaamijkaan ayaa ujeedkiisu yahay in la hubiyo in bulshooyinka u jilicsan abaaruhu ay yeeshaan hab-nooleed oo la jaanqaadi kara noloshooda caadiga ah” ayuu sidoo kale yiri wasiirka Maaliyada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay muhimada koowaad siinayso sidii loo sii wadi lahaa dadaalada lagu diyaarinayo baahiyaha asaaska u ah nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Barnaamijka Nolol Abuurka iyo u Adkaysiga Abaaraha oo Soomaaliya ay kala qayb qaadanayso wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD waxaa loo wajahaya sidan hoos ku qoran:

In la horumariyo sidii dadka iyo xooluhu u heli lahaayeen biyo iyo ilaalinta deegaanka lana qaado talaabooyin looga hortagayo xaalufka.

In la hormariyo wax soo saarka xoolaha iyo caafimaadkooda lana helo meelo lagu xanaaneeyo inta aan la suuq gayn.

In la hormariyo fursadaha haweenka marka loo eego dhanka maamulka biyaha, loona abuuro suuqyo kor loogu qaadayo dakhliga soo gala In la tayeeyo dadka loona samaayo hay’ado kor loogu qaadayo wax soo saarka beeraha iyo xoola dhaqatada.

Barnaamijka Nolol Abuurka iyo u Adkaysiga Abaaraha ayaa ahaa mid kor loogu qaado nolosha bulshooyinka ku nool dhulka baadiyaha, meelaha ugu badan oo dhibaatooyinka & abaaruhu ku soo noq noqdaan.

Dhulka roobabku ku yaryihiin ayaa waxaa ku nool oo dad lagu qiyaasay 800,000 kun oo qof iyo xoolo gaaraya 4,000,000 neef oo u jilicsan abaaraha soo noqnoqda.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!