Nairobi, Mareeg.com: Soomaaliya ayaa la filayaa iney markii ugu horresay hesho Internet-ka xawaaraha sare leh ee loo yaqaano Fiber Obtic.
Shirkadda lagu magacaabo African fibre optic company Liquid Telecom iyo shirkadda ugu ballaaran Isgaarsiinta Soomaaliya ee Hormuud ayaa galay heshiis Taariikhi ah, kaasoo dalka Soomaaliya lagu siinayo adeegga Fiber Obtic.
Khadkaan Internteka ee Soomaaliya la siinayo ayaa ah mid ku kacaya qiimo sare, wuxuuna toos ugu xiran yahay satellite-ka, waxaana xarkihiisa lasoo marinayaa badda hoosteeda.
Liquid Telecom ayaa ogolaatay heshiis ay la gashay Shirkadda Hormuud Telcecom Somalia, kaasoo adeega Internetka ee Fiber Obtic too loogu xiraya Shirkadda Hormuud.
Inkastoo Soomaaliya leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, haddana kama faa’iideysan 3 Cable oo la mariyey badda hoosteeda, kuwaasoo hadda Liquid Telecom dooneyso iney kazoo qaadoo koonfurta Kenya, islamarkaana kusoo xireyso shirkadda Hormuud.
Madaxa Shirkadda Liquid Telecom Nic Rudnick ayaa sheegay in dadka Soomaalida ay siinayaan internet tayo leh, isla markaana lagu heli karo qiimo jaban oo aysan horey u heli jirin, si fududna ay ugu xirmayaan dunida inteeda kale.
Rudnick ayaa sheegay in shirkadda Shirkadda Liquid Telecom ay $250 million dollar ku qarash gareneyso labada sano ee soo socda sidii ay adeega Internet-ka ee Fiber Obtic u gaarsiin laheyd magaalooyinka Afrika oo ay ku jiraan kuwa galbeedka Afrika.
Madaxa shirkadda Hormuud Telecom, Axmed Yuusuf ayaa sheegay in isku xirka khadka internetka ee Hormuud iyo Liquid uu yahay mid taariikhi ah, isla markaana macaamiishooda ay heli doonaan internet heer sare ah, isagoo xusay in arrintan ay tahay guul la taaban karo oo ay gaareen labada shirkad.
Shirkadda Liquid Telecom ayaa bixisa adeegga internetka, iyadoo ka howlgasha dalal ay kamid yihiin Botswana, Jamhuuriyadda dimoqoraadiga Congo, Kenya, Rwanda, South Afrika, Tanzania, Uganda, Zambia iyo Zimbabwe.
Mareeg.com