Soomaaliya oo dooneysa iney xoojiso adeegyada boostada & Isgaarsiinta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya oo dooneysa iney xoojiso adeegyada boostada & Isgaarsiinta

Barcelona – Mareeg.com: Soomaaliya ayaa xoojineysa dedaalka ay ku dooneyso iney si rasmi ah dib usoo ceshato adeegaydii boostada iyo Isgaarsiinta iyo iskaashi ay kala yeelato beesha caalamka, iyadoo dalka ay ka jiraan Isgaarsiin ballaaran oo si gaar ah loo leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr.  Maxamed Xaaji Ibraahin ayaa booqasho ku maraya dalal aduunka ah oo lagu qabanyo shirar la xiriira arrimaha boostada iyo Isgaarsiintya.

Dr. Maxamed Xaaji Ibraahin ayaa dalka Imaaraadka Carabta uga qeyngalay shirka boostada iyo isgaarsiinta dalalka Carabta, halkaasoo uu ka jeediyey khudbad la xiriirta sida Soomaaliya u dooneyso iney xoojiso adeega boostada oo dhawaan la daah rogay.

Wasiir Maxamed Xaaji Ibraahin ayaa khudbaddiisa uga hadlay dib u howlgelinta Boostada dalka Soomaaliya iyo qorshaha ay Wasaaraddu u dejisay sida ay wadashaqeyn ula yeelaneyso dalalka caalamka, waxaana uu xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi ay la sameyso dowladaha Carbeed mudo 23 sano kadib oo lagu guuleystay iney hada shaqeyso Boostada Soomaaliya.

Shirkaasi kadib ayaa Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo waxa ay u ambabaxeen dalka Spain halkaasi oo uu kaga qeybgalayo shirka Isgaarsiinta caalamka kaasi oo ka furmi doona dhowaan magaalada Barcelona ee dalkaaas, ayadoo shirkaasina ay kasoo qeybgaleen intabadan Wasiirrada Isgaarsiinta dalalka Caalamka, waxaana Wasiirku uu shirkaasi ka hor kulammo gaar gaar ah dalka Spain kula qaatay wasiirrada Isgaarsiinta dalalka Soomaaliya deriska la ah.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xaaji Ibraahin ayaa sheegay in dhammaanba wasiirrada uu la kulmay ay ka wada hadleen iskaashiga ay Wasaaraddu la sameyneyso dowladaha gobolka iyo kuwa caalamka, sidoo kalena waxa uu xusay inuu u bandhigay qorshaha Wasaaradda ee ku saabsan hormarinta Isgaarsiinta Soomaaliya.

Dr. Maxamed Xaaji Ibraahin ayaa rajo ka muujiyey in shirka ka furmaya magaalada Barcelona ee dalka Spain iyo kulammada gaar gaarka ah ee la yeelanayo Wasiirrada ka socda dalalka caalamka ee shirkaasi ka qeybgalaya ay kasoo baxaan natiijo kaalin ka qaadan karta qorshaha wasaaradda ee la xiriira hormarinta Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!