
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya war laga xumaado ku tilmaamtay Warka ka soo baxay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC &SRCS) Soomaaliya, oo ku saabsanaa weerarkii qarixii 28 Dec 2019 ka dhacay Isgoyska ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Maxamed Ibraahim oo ah kormeera hawlgallada ICRC ee caasimadda Soomaaliya ayaa qoraal shalay usoo saaray ku yiri “Dhab ahaantii aad ayaan uga naxnay weerarkan. Mar labaad, shacabka ayaa ah kuwa ku dhacaya cawaaqibka iska-horimaadka mana ahan wax la aqbali karo. Waxaan jecel nahay inaan xusuusino dhammaan dhinacyada ku lugta leh iska-horimaadka inay ka digtoonaadaan dadka rayidka ah. Waa in la dhowraa. Waa in la badbaadiyo.”
Hayeeshee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS uu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwii dhibaatada kasoo gaartay qaraxaas.