Soomaaliya oo dacweyneysa shirkado sahan shidaal ka wada Somaliland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya oo dacweyneysa shirkado sahan shidaal ka wada Somaliland

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Shirkadda Somaliland ka baadhaya Shidaalka Eedayn u jeedisay, gaar ahaana Shirkadda laga leeyahay Norway ee DNO. Somalia waxay sheegtay inay Curyaaminayso dadaalka amaanka Somalia dib loogu soo celinayo.

Wasiirka Tamarta ee Somalia Jaamac Axmed Maxamed ayaa Arbacadii shalay u sheegay Wakaalada wararka Reuters in Somalia Dacwad ka gudbin doonto Shirkaddahaasi.

Wasiirka ayaa Shirkaddaha Shidaal Sahaminta ku eedeeyay inay heshiis ku galayaan meelo ka hor 1991-kii heshiisyo lagula galay shirkaddo kale. Waxa uu sheegay inay Wakiilada Shiraddaha Exxon Mobil, Conoco Phillips, Chevron, iyo BP dhawaan kulan la yeesheen, shirkaddahan oo Somalia heshiisyo la galay ka hor 1991, balse hadda ay Somaliland shirkaddaha kale siinayso Liisankeeda.

“Shirkadduhu waxay saxeexayaan Heshiisyo is-dulsaaran, iyagoo u halgamaya sidii ay Maamul Goboleedyada ula shaqayn lahaayeen” ayuu yidhi Wasiirka Tamarta Somalia

Wasiirku waxa uu Shirkaddaha ku eedeeyay hagar daamaynta Amaanka Somalia waxaanu yidhi “Kombaniyadan yaryari waxay curyaaminayaan dalka, waxayna burburinayaan dadaalka Bulshada caalamku ku dhisayso nabada iyo deganaanshaha”

Wasiirka Tamarta Somalia waxa uu Reuters u sheegay inay Dacweyn doonaan Shirkaddaha Shidaal Baadhista “ Waxaanu ugu digaynaa Shirkaddahaas in Dawladda Somalia Cabasho uga gudbin doonto Waddamada ay ka soo jeedaan iyo Golaha Amaanka Qaramada midoobay” ayuu yidhi Wasiirku.

Warbixinta Reuters waxaa lagu sheegay inaan wasiirku wax Caddayn ah soo bandhigin marka laga reebo Hadalkiisa Eedaynta ah.

Wakaaladda Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in Shirkadda DNO ka jawaabi wayday Telefono iyo Email-lo ay u direen si ay uga jawaabto Eedan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!