Soomaaliya oo codsatay in loo soo gacan geliyo nin lagu qabtay Nairobi (Waa kuma?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya oo codsatay in loo soo gacan geliyo nin lagu qabtay Nairobi (Waa kuma?)

Mareeg.com: Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya si rasmi ah u codsatay in Kenya u soo gacan geliso nin dhawaan lagu xiray Nairobi, kasoo la sheegay inuu yahay sarkaal ka tirsan Alshabaab oo horayna wariye u ahaan jiray.

Danjire Ameeriko oo u warramay BBC ayaa sheegay in ninkaas oo magacaiisa lagu sheegay Xasan Xanafi Xaaji ay weli baarayaan laamaha amaanka Kenya, ayna dowladda Soomaaliya codsatay in loo wareejiyo Muqdisho.

“Ninkaas la qabtay waxaa ku socda baaritaan, waxaana dowladda Soomaaliya rajeyneysaa in loo soo gacan geliyo, dowladuna si rasmi ah ayay codsatay arrintaas” ayuu yiri Ameeriko oo xusay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyo iskaashi la xiriira in la isu dhiibo dadka labada dhinac dhibaatada ka geysta.

Ninka ay axaddii Nairobi ku qabteen ciidamada Amaanka Kenya oo lagu sheegay inuu yahay Xasan Xanafi ayaa diiday inuu yahay ninka la sheegayo. Ninkaan waxaa dowladda Soomaaliya u heysataa inuu ku lug lahaa dilka wariyaal badan oo lagu dilay Muqdisho.

Xasan Xanafi oo horay uga shaqeyn jiray Idaacad ku taalla Muqdisho ayaa Alshabaab ku biiray xilligii ciidamada Itoobiya xooga kusoo galeen Soomaaliya ee burburiyeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee markaas Alshabaab ku hoos qarsoonaayeen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!