Soomaaliya Oo Aan Wax Ka Qabin In Ciidamada Itoobiya Ku Biiraan AMISOM * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya Oo Aan Wax Ka Qabin In Ciidamada Itoobiya Ku Biiraan AMISOM

Nairobi, November 11, 2013: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay hadalka kasoo yeeray R/wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo uu ku sheegay in ciidamadiisu ku biiri doonaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM.

Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam oo ku sugan Kenya ayaa BBC u sheegtay in hadii ciidamada Ethiopia ay kusoo biirayaan kuwa AMISOM ay soo dhaweynayaan.

Wasiir Fowsiya waxa ay sheegtay in ciidamada Ethiopia iyaga oo aan kamid aheyn kuwa AMISOM, hadda Soomaaliya ay ku sugan yihiin muddo fogna ay ku sugnaayeen, iyadoon aysan jirin cid ku maalgelinaysa joogitaanka Soomaaliya.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji ayaa sheegtay in haddii Itoobiya ku biirto howlgalka AMISOM ay taasi macnaheedu tahay in laga kafaalo qaadayo qarashkii faraha badnaa ee ay ku bixin jireen ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

“Haddii ay AMISOM ay kamid noqdeen maanta micnaha waa laga kafaala qaaday qarashka mudada dheer kusocday, taariikhdii hore ee Ethiopia iyo Soomaaliya waqtigii cakirnaa waa ay soo gudbeen waa laga gudbay arimahaasi” ayeey tiri Wasiir Fowsiyo.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa ammaantay Dowladda Ethiopia doorka ay ka qaadatay hanaanka Siyaasada Soomaaliya, waxaana ay tusaale usoo qaadatay doorka Dowladda Ethiopia ee ku aadan shirkii Jubbooyinka ee Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay.

R/wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa dhawaan mar uu Addis Ababa kula kulmay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto ku dhawaaqay in ciidamadoodu ku biirayaan AMISOM si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka Alshabaab ee Geeska Afrika.

Ciidamada Ethiopia oo Soomaaliya xoog kusoo galay dhamaadkii sanadkii 2006 ayaa lagu eedeeyay tacadi ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka geysteen Gobalada dalka Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!