Soomaaliya: Milateriga Kenya oo baxaya sanadka 2017 * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Soomaaliya: Milateriga Kenya oo baxaya sanadka 2017

Mareeg.com: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in milateriga Kenya ay ka bixi doonaan dalka Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2017.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar oo la hadlay wakaaladda wararka Shiinaha ayaa sheegay in qorshaha Ciidamada Kenya ay ku baxayaan uu yahay mid qeyb ka ah heshiis horay uu u saxiixay Ururka Midowga Afrika.

“Ciidanka Kenya markii ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011 waxay wadeen howl gallo ay dalka ku xasilinayaan, 2017 waxaa rajeyneynaa inay dalka ka baxaan, waxaana socda qorshe dib loogu dhisayo ciidamada Soomaaliya, si ay amniga guud ee dalka ula wareegaan” ayuu yiri C/salaan Hadliye oo ku sugan magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay in Ciidamada Kenya joogitaankooda Soomaaliya aan qaab gumeysi loo fasiri karin, balse ay yihiin ciidamo ka qeyb qaadana xoreynta Soomaaliya sida uu yiri.

Ciidamada Kenya ayaa sanadki 2011 soo galay Soomaaliya, iyagoo aan fasax ka heysan dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, ee uu madaxda ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Mar dambe ayaa is afgarad dhex maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, iyadoo milateriga Kenya lagu biiriyey ciidamada AMISOM.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!