Soomaaliya Maxay Ka Faa’ideysan Kartaa Madasha Waxbarashada Aduunka?

Read Time:37 Second

Wasiirka waxbarashada dawlada federalka Soomaaliaya Cabdullahi Goodax Barre ayaa ka qeybgalaya kulanka madasha waxbarashada aduunka oo si rasmi ah uga furmay magaalda London ee dalka ingiriiska, kaas oo socon doona mudo afar maalmood ah.

Madasha waxbrashada aduunka oo sannad waliba xiligaan oo kale la qabto ayaa waxaa isugu yimaada wasiirada waxbarashada waddamada caalamka iyo khuburo kale oo ka tirsan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha tacliinta.

Mawduuca madasha ee sannadka 2020 ayaa ah waxa ay qaadaneyso isbedelka waxbarashada, kaas oo xoogga lagu saari doono in lagu falaanqeeyo arrimaha la xiriirka isbadalka caalamka ee saameynta ku leh waxbarashada.

Soomaaliya oo kamid ah dalalka u baahan horumarinta dhinaca waxbarasha ayaa ka qeyb ah waddamada ka qeybgalaya madasha waxbarashada aduunka, hadaba Soomaaliya maxay ka faa’ideysan kartaa madashan?

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %